Beesha Caalamka :  Khilaafka Dastuurka halagu dhameeyo wada- oggol.

Beesha Caalamka :  Khilaafka Dastuurka halagu dhameeyo wada- oggol.

Muqdisho (Raxanreeb )- War ka soo baxay dalalka saxiibada ah ee caawiya Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa looga hadlay , wax ka bedelka Dastuurka ee murankiisa uu ka taagan yahay magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen Saaxiibada Soomaaliya ee Beesha Caalamka ayay ugu baaqeen dhammaan saamileyda siyaasadda Soomaaliya in geeddi-socod loo dhan yahay loo maro dhammaystirka dastuurka dalka.

’Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya  waxay bogaadinayaan dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Federaalka ah ee lagu xaqiijinayo u hogaansanaanta Soomaaliya ee waajibaadka caalamiga ah iyo kuwa heer gobol ee khuseeya xuquuqul insaanka, oo ay ku jiraan xuquuqda carruurta ‘’ ayaa lagu yiri warka ka soo baxay dalalka saxiibada la ah Soomaaliya.

Waxaan sidoo kale qireynaa ku-talagalka adag ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ku talagashay horumar ay ka sameyso dhameystirka Dastuurka.

Baaq ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa imaanaya iyadoo khilaaf xooggan uu ka dhashay wax ka beddelkii lagu sameeyay qodoba kamid ah dastuurka Soomaaliya oo ay ka horyimaadeen Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaridka ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.