MW Xasan Sheekh oo gaaray degmo kaabiga ay ku hayaan AS.

MW Xasan Sheekh oo gaaray degmo kaabiga ay ku hayaan AS.

Xarardheer (Raxanreeb )- Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Isniin ah gaaray degmada Xarardheere ee gobolka Mudug halkaas oo laga saaray kooxd AS.

Degmada Xarardheere  ee uu Madaxwaynaha gaaray maanta waxaa cabsi badan laga qabay in ay weerar ku soo qaadaan kooxda Al- Shabaab oo markii hore laga fara maroojiyay.

Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana  hareeraha degmada Xarardheere ku sugan ciidanka dowladda , kuwa Galmudug iyo kuwa deegaanka oo qayb ka ah howlgalada.

Waxaa sidoo kale degmada Xarardheere gaaray Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, waxa ayna labada Madaxweyne barxad kutaalla degmadaasi kula hadleen dadka deegaanka iyo saraakiisha ciidanka.

Si kastaba, booqashada haatan madaxweynaha ku tegay furimaha hore ee dagaalka ayaa imaneysa, xilli dhowaan ay ciidamada dib uga soo baxeen magaalooyin ay horay ugala wareegeen kooxda Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.