Biixi & Deni miyay isku arkayaan Adis  Ababa ?

Biixi & Deni miyay isku arkayaan Adis  Ababa ?

Adis Ababa ( Raxanreeb ) Dowladda Itoobiya ayaa wada- dadaalo ay ku doonayso in ay ku dhax dhaxaadiso dhinacyada isku haya magaalada Laascanood ee gobolka Sool.

Wali ma mira dhalin qorshaha Itoobiya ee xaaladda magaalada laascanood , inkastoo dhinacyo badan ay kala kulmeen sidii xiisadda loo dejin lahaa.

Hadda magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya waxaa ku sugan madaxwaynayaasha Puntland iyo Somaliland ee Muuse Biixi Cabdi iyo Saciid Cabdullaahi Deni oo Dowladda Itoobiya u wacday.

Labada dhinac dhinac , lama oga in ay si toos ah oo fool ka fool ah ay u kulmi doonaan  oo ay uga wada – hadli doonaan xiisadda magaalada Laascanood , iyo in kale  , maadama labaduba ay u yeertay Itoobiya.

Madaxwaynaha Somaliland ayaa dhawr jeer ku celceliyay in dagaalka Laascanood qayb wayn ay ku leedahay Puntland , halka Puntland dhankeeda eedahaas ay iska fogaysay.

Si kastaba marka laga soo tago eedeymaha labada dhinac ee salka ku haya dagaalka Laascanood , hadana waxaa keliya muuqda ayaa ah dhibaatada gaaraysa dadka rayidka ah ee magaalada.

Beesha Caalamka ayaa – dhankeeda ku baaqday in si sharuud la’aan ah loo joojiyo dagaalka , wax kastana muhiim ay tahay in lagu dhameeyo wada- hadal si looga baaqsdo daadinta dhiiga shacabka .

Leave a Reply

Your email address will not be published.