Isku shaan-dhaynta Golaha Wasiirada waa Goormee ?

Isku shaan-dhaynta Golaha Wasiirada waa Goormee ?

Muqdisho ( Raxanreeb ) Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa la hadal hayaa in dhawaan ay wajahi doonto , isku shaan- dhaqayn RW uu ku samayn doono Golaha Wasiirada.

Warar  soo baxaya ayaa sheegaya in Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre uu ka fakarayo isbedel uu ku sameeyo Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Isbedelkan oo maalmahan aad u soo shaac – baxaya ayaa wararka waxa ay sheegayaan in ay saamayn doonto qaar  ka mid ah Wasiirada Soomaaliya , si gaar ah  Gaashaandhiga , Arimaha Gudaha  iyo dibadda.

Wararka Raxanreeb uu helayo ayaa sheegaya in talaabadan  ay ahayn in Wasiirka kowaad uu qaado , markii uu Madaxwaynaha uu ka soo laabtay Dalka Qatar hase ahaatee aan la ogayn waxa dib u dhigay.

Waxaa aad loo hadal hayaa in suurtagal ay tahay in Wasiirada qaar ee saamayn doona isku shaandhaynta , qaarkood lagu xalin doono tabashooyinka ay qabaan beelaha qaar oo  Muqdisho ku qabtay shirar kala duwan.

In kastoo si aad ah arintan u soo xoogaystay maalmahii la soo dhaafay , hadana waxa isha lagu hayaa sida ay  tahay in Ra’iisulwasaare  Xamse Cabdi Barre u wajaho arintan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.