Booliska Bari oo Boosaaso Ka Qabtay Afar Qof +SAWIRO

Booliska Bari oo Boosaaso Ka Qabtay Afar Qof +SAWIRO

Boosaaso (Raxanreeb Online): Taliska Booliska Gobolka Bari ayaa magaalada Boosaaso ka fuliyay howlgal lagu soo qabtay afar qof oo lagu tuhunsan yahay ka ganacsiga iyo qaybinta khamriga.

Intii uu socday howlgalka ayaa lagu qabtay noocyo kala duwan oo khamri ah, kuwaas oo la tuhunsan yahay in loo diyaariyay iib iyo qaybinta. Ciidamada ayaa sidoo kale baaraya habka loo suuq-geynayay iyo cidda kale ee ku lugta lahayd hawsha.

Taliska Booliska Gobolka Bari ayaa bulshada ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, isla markaana soo gudbiyaan xog kasta oo la xiriirta falalka wax u dhimaya amniga, caafimaadka iyo badqabka bulshada.

Baaritaanka kiiska ayaa socda, waxaana dadka la qabtay loo marin doonaa habraacyada sharciga.

Screenshot

Leave a Reply

Your email address will not be published.