Koonfur Galbeed (Raxanreeb Online): Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa sheegay in walaac weyn laga qabo in Al-Shabaab ay la wareegaan dhul badan, isla markaana ay dadka deegaanka ka barakiciyaan.
Aadan Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in ay jirto cabsi laga qabo maleeshiyaad uu ku tilmaamay kuwo “duur galay”, isagoo hadalkiisa ku xusay Laftagareen.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Koonfur Galbeed ay tahay mid xasaasi ah, iyadoo ay jiraan walaacyo la xiriira amniga iyo gacan ku haynta deegaannada maamulka.

Leave a Reply