Booliska ”Gacanta lagu hayaa qofkii ka danbeeyay dilka gabar caruusad ahayd”

Muqdisho (Raxanreeb ) ka dib howlgal qaatay saacado badan ayaa ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxa ay shaaciyeen in gacanta ay ku soo dhigeen nin ay ku eedeynayeen in dil uu ka gaystay – magaalada Muqdisho.

Booliiska ayaa sheegay inay qabteen qofkaas ooo looga shakisan yahay inuu ku lug lahaa dilka gabar caruusad ah oo habeen hore lagu dilay toogasho.

Sarkaal u hadlay ciidanka Booliska ayaa warfidiyeenka u sheegay in ay wadaan baaritaan dheeraad ah si ay u ogaadan sida uu u dhacay dilka caruustan.

Taliska Booliska degmada Kaaraan ayaa sheegay in qofka dhacdadan ay u soo qabteen hadda uu ku xiran yahay Saldhiga Degmada Karaan halkaas oo ah meesha – taagashadu ay ka dhacday.

Caasho Daahir ayaa la sheegay in marka la tooganayay laga galbiyay xarumaha dumarka ay isku qurxiyeen ee magaalada Muqdisho.

Koox hubaysan oo doonayay in ay dhacaan Moota Bajaajta oo ay saarnayd caruusta ayaa la sheegay in kooxahan rasaas ay ku fureen waxaan waalidkeeda ay Dowladda ka dalbadeen cadaalad.

“Waxaan doonayaa in xaqa gabadhayda Dowladda ay isoo dhiciso aniga gabadhayda waan waayay ee waa in aan waayin cadaaladda ” sidaas waxaa sheegtay Hooyada dhashay gabadha.

Degmada Kaaraan ayaa ka mid ah meelaha ay ka jiraan falalka amaan darro , halkaas oo goor hore ay ka dileen cayaal weeerada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.