Bosaaso (Raxanreeb ) Warar aynu ka helayno magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegay in xeebta magaalada laga helay maydadka laba qof.
Meydka laba caruur ah oo da’adooda lagu kala sheegay 11 jir & 12 jir ayaa laga helay xeebta Magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.
Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in Caruurtan oo ay baddu qaaday shalay ayaa maanta-na soo tuftay sida ay xaqiijiyeen.
Ehelada caruurta ayaa sheegay in keliya ay ka war heleen markii lagu soo wargaliyay maydadka caruurtooda ka horna boodi goob ugu jireen raq iyo ruux labaduba
Caruurta ku geeriyootay bada ayaa Magacyadooda lagu kala sheegay Axmed C/kariin & Sakariye,ehelada caruurtan ayaa buux dhaafiyay Isbitaalka oo la dhigay meydka.
Maamulka degmada Boosaaso ayaa ka digaya dhibaatada xeebaha uga imaan karta caruurta ka yar da’da qaan- gaarinimada.
Dhacdadaan ayaa ku soo beegmeysa xilliyada ay dabaylaha xagaagu dhacayaan waxaana horey xeebaha badda cas ugu degay doonyo ganacsi oo u soo socday Bosaso.
Leave a Reply