Booliska oo gacanta kusoo dhigay nin dil ka geystay duleedka Muqdisho

Booliska oo gacanta kusoo dhigay nin dil ka geystay duleedka Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb) — Booliska Soomaaliya ayaa maanta gacanta kusoo dhigay nin shalay dil arxan darro ahaa ka geystay masjid ku yaalla deegaanka Garasbaalley ee duleedka caasimadda Muqdisho.

Eedeysanaha oo lagu sheegay magaciisa Mukhtaar Cali Xuseen ayaa loo heystaa dilka marxuum Macallin Ibraahim Cabdi Cabdulle oo Imaam ka ahaa masjidka uu dilka ka dhacay.

Sidoo kalena eedeysanaha ayaa dhaawac halis ah u geystay wiil dhallinyaro ah isna Mu’adin ka ahaa masjidkaasi, sida uu shaaciyay Taliska Booliska ee Gobolka Banaadir.

War qoraal ah, oo kasoo baxay Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in eedeysanaha uu ku sugnaa degmada Wardhiigleey isla-markaana uu hataan soo galay gacanta Dowladda.

“Ciidanka Boliiska Saldhigga degmada Warta nabadda ayaa saaka gacanta ku soo dhigay nin lagu eedeeyay in uu dil ugaystay imaamka masaajid ku yaala deegaanka Garasbaaleey, halka uu dhaawacay mu’adinkii masaajidka Shalay oo bishu ahayd 29 bisha March,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay taliska Booliska Gobolka Banaadir

Sidoo kale Booliska ayaa shaaca ka qaaday in eedeysanaha uu ahaa Tabliiq, isla-markaana uu dilka iyo dhaawac uu u adeegsaday baangad.

“Eedaysanaha ayaa dilka u adeegsaday baangad, waxaana la sheegay in uu tabliiq ahaa masjidkana uu moddo joogay,” ayaa markale lagu yiri warka qoraalka ah ee Booliska.

Labada dhibane ayaa saaladdii subax ee shalay midna uu aqimay, midna uu salaadda tujiyay jameecada masjidka, balse kadib waxaa dhacday arrintaan la yaabka leh.

Si kastaba, dhacdadan ayaa argagax ku reebtay dadka deegaanka, waxaana sidoo kale aad looga hadal hayaa baraha ay bulshada ku wada xiriiraan ee Internet-ka sida Facebook iyo Twitter.

Leave a Reply

Your email address will not be published.