PUNTLAND : Daacish ayaa ku dilnay buuraha Galgala ee Bari ‘’

PUNTLAND : Daacish ayaa ku dilnay buuraha Galgala ee Bari ‘’

Boosaaso (Raxanreeb ) Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal ciidanka maamulka Puntland iyo kooxda Daacish ku dhaxmaray  buuraha gal- gala ee gobolka Bari

Saraakiil ka tirsan  maamulka Puntland ayaa sheegay in dagaalkaas ay ku dileen xubno ka mid ah kooxda  Daacish ee ku dhuumaalaysanaya buuraha galgala

Weerarkan waxaa qaaday ciidanka gaarka ah ee maamulka Puntland kuwaas oo ujeedkoodu uu yahay in  Daacish laga saaro  buuraha galgala sida ay ku warameen saraakiisha  maamulkaas.

Dagaalka ka dib waxa lagu soo waramaya in ciidanka ay  fuliyeen howlgal balaaran inkastoo aan la faahfaahin howlgalkaas ciidanka Puntland ay ka fuliyeen buuraha galgala ee gobolka Bari.

Maamulka Puntland ayaa xoogga saaraya sidii loo jabin lahaa kooxda Daacish oo ku sugan deegaanada gobolka Bari .

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa dhulka buuraha ee gobolka Bari.

Ciidanka Puntland ayaa dhowr jeer oo hore sidaan oo kale ula dagaalamay kooxda Daacish oo fariisimo ku leh halkaasi, kuwaas oo dhaliyay khasaare kala duwan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.