Washington (Raxanreeb ) Madaxwaynaha dalka Mareynkanka ayaa hadda wajahaya cadaadis ku saabsan sidii Soomaaliya looga saari lahaa ciidamo fara badan kuwaas oo gacan siinaya ciidanka Soomaaliya.
Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Mareynkanka ayaa sheegaya in la joogo waqtigii ciidanka Mareynkanka laga soo saari lahaa Soomaaliya oo wali u baahan I ciidankeeda ay helaan tababar.
Xildhibaan Matt Gaetz oo katirsan xildhibaanada xisbiga Jamhuuriga ayaa doonaya in ciidamada Mareykanka laga soo saaro Soomaaliya, kuwaas oo kal hore uu Madaxweyne Joe Biden u soo diray Soomaaliya.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ay qaadataan tallaabooyin dheeraad ah oo lagu qasbayo madaxweynaha in uu ciidamadaas kasoo saaro Soomaaliya, si loogu celiyo dalkooda.
Madaxweyne Joe Biden ayaa horey 500 oo askari u soo diray Soomaaliya bishii May ee la soo dhaafay si ay ula dagaallamaan Al-Shabaab
Dhawr jeer ayaa lagu guul- daraystay in ciidanka Mareynkanka ee ku sugan Soomaaliya la saaro , waxaana ka horeeyay in hore Mareykanka uu ugu guul- daraystay in ciidanka Mareykanka laga soo saaro gudaha dalka Syria.
Leave a Reply