Booliska oo qabtay nin ku eedeysan mukhalasnimo iyo tacadiyo ka dhacay dalka Liibiya

Booliska oo qabtay nin ku eedeysan mukhalasnimo iyo tacadiyo ka dhacay dalka Liibiya

Garoowe ( Raxanreeb Online) Ciidanka Booliska ee maamulka Puntland, ayaa sheegay in howlgal ay ka fuliyeen gobolka Nugaal, ay ku soo qabteen nin ku eedeysan mukhalasnio iyo tacadiyo ka dhan ah muwaadiniin Soomaaliyeed .

Qoraal kasoo baxay  qeybta Booliska gobolka Nugaal, ayaa lagu sheegay in la qabtay eedeysane lagu magacaabo Guuleed Cabdicaasiis, kaasi oo ku eedeysan tahriibinta dhallinyarada Soomaaliyeed iyo falal ku saabsan mukhalasnimo.

Booliska ayaa sheegay in eedaysanaha lagu tuhunsan yahay mukhalasnimo, iyo tahriibinta dhalinyarada Soomaaliyeed, iyo sidoo kale tacadiyo jireed oo dhaawac culus leh oo uu ka gaystay gudaha dalka Liibiya, kuwaas oo uu u geystay muwaadiniin Soomaaliyeed.

Ciidanka Booliska ayaa intaas ku daray in weli wada hawlgallo ka dhan ah mukhalasiinta iyo cid kasta oo gacan siisay eedaysanaha.

Sidoo kale Booliska ayaa sheegay in eedaysanaha uu hadda ku jira baaris, isla markaana la horgeyn doonaa hay’adaha cadaaladda marka ay soo dhammaato baaristu.

Leave a Reply

Your email address will not be published.