Booliska Soomaaliya oo qabtay nin dilay haweeney

Jowhar (Raxanreeb) — Ciidamada Booliska ee ka howlgala magaalada Jowhar ee caasimada HirShabelle ayaa maanta gacanta ku soo dhigay nin ku eedeysan dilka gabar 17 sano jira ah, kadib howlgal ay ka sameeyeen magaaladaas oo xarun u ah Shabeellaha Dhexe.

Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed, General Zakiya Xuseen ayaa qoraal aysoo saartay ku sheegtay in ciidamada ay ku guuleysteen inay soo xiraan eedeysanaha oo lagu magacaabo Daahir Cali, kaas oo ku eedeysan dilka Marxuumad Caasho Cabdullaahi.

“Taliska Boliiska Hirshabbele gaar ahaan saldhiga degmada Jowhar ayaa ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan eedeysane Dahir Cali kaasoo ku eedeysan dilka gabar 17 jir ah oo lagu magacabi jiray Caasho Cabdullahi,” ayey tiri taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in eedeysanaha haatan lagu wareejiyay maxkamadda, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Zakiya ayaa sidoo kale u mahadcelisay dadka shacabka ah, waxayna sheegtay haddii ay Booliska iyo Bulshada wada shaqeeyaan wax badan la qaban karo.

“Eedeysanaha waxaa lagu wareejiyay maxkamada waxaana la marsiinaya nidaamka cadaalada. Bulsho iyo Booliis oo iskaashada waxeey ka hortagi karaan balo walba baladkeena ka dhaco,” ayaa markale qoraalkiisa sii raacisay General Zakiya Xuseen.

Ma shaacin waxa sababay dhacdadaan dilka ah ee loo geystay Caasho Cabdullahi oo aheyd gabar 17 sano jir ah, taas oo ku nooleyd gudaha magaalada Jowhar.

Soomaaliya ayaa waxaa inta badan ka dhaca tacaddiyo loo geysto dumarka oo isugu jir dil iyo kufsi, kuwaas oo sanadihii u dambeeyey kusoo badanayay gudaha waddanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.