Xasan Sheekh oo markii ugu horreysay faahfaahiyay sababta uu Muqtaar Rooboow ugu soo daray dowladdiisa.

Xasan Sheekh oo markii ugu horreysay faahfaahiyay sababta uu Muqtaar Rooboow ugu soo daray dowladdiisa.

Muqdisho ( Raxanreeb ) Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa markii ugu horreysay faah faahiyay sababta uu Wasiir Muqtaar Roobow ugu soo daray dowladdiisa.

Madaxwaynaha ayaa sheegay inuu ugu gol- leeyahay magacaabista Wasiir Mukhtaar sidii xubno kale ay ugu soo biiri lahaayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Waxaan rabnaa inaan tusno hoggaanka al-Shabaab in haddii ay isa soo dhiibaan aan la bahdilin doonin, aan si xun loola dhaqmin ” ayuu yiri Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

Intaas waxa uu warkiisa ku daray Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud in ay soo dhawaynayaan xubnaha wali ku jira kooxda Al- Shabaab.

“Waxaan aaminsanahay in Roobow uu ku qancin karo ugu yaraan qaar ka mid ah asxaabtiisii hore inay soo goostaan” ayuu yiri madaxweynaha oo wareysi siiyay wargeyska The Guardian.

Si kasta Mukhtaar Roobow oo hadda ah Wasiir ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar ahaa ku xigeenka hogggaanka kooxda Al- Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.