BOOSAASO : Dil lagu fuliyay laba qof oo hore u dilay Fardowso Warsame

BOOSAASO : Dil lagu fuliyay laba qof oo hore u dilay Fardowso Warsame

Boosaaso (Raxanreeb ) Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa saakay dil toogasho ah lagula fuliyay laba nin oo lagu helay in gabar ku dileen degaanka Ceeldaahir ee gobolka Bari.

Cabdirashiid Siciid Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Cali ayaa saaka lagu fuliyay dil toogasho ah kadib markii lagu helay dilka marxuumad Fardowso Warsame Muuse oo bishii October ee sannadkii 2022 ka dhacay degaanka Ceeldaahir.

Labada xukmane ayaa maxkamaddu sheegtay in ay toorrey ku dileen marxuumadda xilli ay ka furanayeen taleefon sida laga soo xigtay warbixinta waaxda danbi baarista ee C.I.D-da iyo gal-dacwadeedka ay kiiskan ka diyaarisay xeer ilaalinta.

Maxkamadda derejada kowaad ee degmada Boosaaso tan rafcaanka ayaa isku raacay in dil toogasho ah lagu fuliyo labada xukmane waxaana ugu danbayn la qiyaasay saaka oo Khamiis ah fagaare kuyaalla Boosaaso.

Leave a Reply

Your email address will not be published.