Burtinle (Raxanreeb ) RBC wararka uu ka helayo degmada Burtinle ayaa sheegay in xaalada degmadaas ay degan tahay ka dib weerar khasaaare gaystay oo halkaas ka dhacay.
Arintan ayaa ka danbeysay ka dib markii Maanta maleeshiyo Beeleed hubeysan ay weerareen Saldhigga Booliska Magaaladaas, kadibna ay dagaal xoogan la galeen Ciidamada Booliska eek u sugan Saldhigaas.
Rabshadaha ka dhacay Maanta oo Axad ah Degmada – Burtinle ayaa salka ku hayay ka dib markii maleeshiyaadka hubeysan ay diidan yihiin in Xabsiga Magalada Garoowe loo gudbiyo Dhalinyaro ku heyb ah maamulka Degmada.
Israsaaseynta dhex-martay ciidamada ammaanka iyo ragga hubeysan ayaa si xoogan looga dareemay magaalada oo dhan, taas oo cabsi ku beertay dadka deegaanka.
Inta la xaqiijiyay Hal askari oo ka tirsanaa Booliiska Puntland laguna magacaabi jiray Maxamed Badgal Ciise Galayr ayaa ku dhintay mid kalena waa ku dhaawacmay.
Deegaannada Puntland ayaa waxaa inta badan ka dhaca iska hor imaadyo hubeysan, kuwaas oo geysta khasaarooyin kala duwan, taas oo ay ka dhalatay khasaare kala duwan oo soo gaaray inta – badan dad shacab ah.
Leave a Reply