Hargaysa (Raxanreeb ) Magaalada – Hargaysa ee Somaliland waxaa kulamo is daba joog ah ku leh hoggaamiyaasha mucaaradka Somaliland kuwaas oo ka arinsanaya muddo kordhinta labada sanno ee loo sameeyay Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi.
Madaxda Xisbiyada ayaa kulamadooda ku soo hadal qaaday sida muhiim ay u tahay in Somaliland loo dhiso maamul KMG ah oo qabto doorashada la filayay in deegaanada Somaliland ay ka dhacdo 13ka November 2022.
Waqtigan Hoggaamiyaasha Mucaaradka ay sheegeen in maamul ay u dhisayaan Somaliland ayaa ah marka uu dhamaanayo muddo xileedka Dastuuriga ah ee MW Muuse Biixi .
Waxa ay sidoo kale ku gorfeeyeen Shirarkoida in Shir weyne la isugu tago Magaalada Burco si loo sii ambaqaado Geediga doorashada Somaliland oo muran badan uu ka taagaanahay.
Hoggaamiyaasha Somaliland ayaa ku doodaya in muddo kordhinta Madaxweyne Muuse Biixi ay hoos u dhigeyso Amniga, aaminaadda Xukuumadda & in la laabayo Dastuurka lagu heshiiyay.
Somaliland ayaa marar badan waxaa ka dhacay dibadbaxyo rabashada wata oo ka dhashay xukun isku dhejinta Madaxwaynaha Somaliland ee markaan loo sameeyay muddo kordhin laba sanna ah.
Lama oga halka ay ku danbeyn doonto xaalada Deegaanada Somaliland iyo waxa xigi doonaa kulamadan ka socda magaalada Hargaysa ee ay leeyihiin Hoggaamiyaasha mucaaradka Somaliland.
Leave a Reply