Raxanreeb ( Baardheere ) Laba dhinac ayay u kala go’ aday degmada Baardheere ee gobolka Gedo ka dib markii ay go’ day gabi ahaanba Buundadii degmada ay lahayd.
Buundadan ayaa ahayd mid muhiim u ah isu socodka dadka iyo gadiid ee nolosha degmada Baardheere waxaana hadda muuqata in magaaladu ay noqotay laba dhinac oo go’ doon dadku ay ku jiraan.
Xaalada magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa cakarin maanta oo Jimca ah dadkuna iskuma gudbi karaan waxa ayna noloshu noqotay mid cakirin.
Maamulka Degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin xaaladda hadda ay ku sugan yihiin dadka ku nool degmada Baardhere ee gobolka Gedo.
Ma jiro ilaa iyo hadda wax gurmad ah oo gaaray degmada , maadama ay ku jirto xaalad adag oo xaga nolosha ah waxaana dadku ay dalbanayaan in loo soo gurmado.
Leave a Reply