Muqdisho ( Raxanreeb ) Xildhibaanno gaaraya 22 xildhibaan ayaa soo jeedin wax looga beddelayo ajandaha maanta u gudbiyay guddoonka golaha shacabka ee baarlamaanka soomaaliya.
Soo jeedinta ayaa sheegaysa in laga hadlo amniga dalka iyo xasaanadda xildhibaannada sida lagu qoray soo jeedinta.
Mooshinka amniga dalka looga hadlayo waa ay meel mariyeen xildhibaannada dooddiisa ayayna bilaabayaan daqiiqadaha soo aaddan maadaama ay aqbaleen 144 xildhibaan, halka uu ka aamusay 1 xildhibaan oo kaliya.
Ansixinta ajandaha cusub ayaa ka dhigan in laga gudbay ajandihii hore ee korontada dalka looga hadli lahaa.
Leave a Reply