Muqdisho (Raxanreeb )- Caalamul Islaami ayaa maanta si isku mid ah waxaa looga dabaaldegayaa munaasabadda Ciidul Fidri oo maanta ku began, kadib 30 maalmood oo bisha Ramadaan ah.
Meelaha sida weyn looga ciidayo ayaa waxaa kamid ah guud ahaan dalka oo aysan jirin in sanadkaan la isku khilaafay bisha Shawaal bilshadeed oo xalay koow aheyd.
Mas’uuliyiinta heer federal iyo heer dowlad goboleed ayaa inta badan shacabka deegaannada kula tukaday Salaadda ciidda oo lagu oogay goobo u gaar oo loo asteeyay.
Ammanaka ayaa ciidanka Dowladda Soomaaliya dadaal ay ku bixinayaan sidii ay wax ugu qaban lahaayeen maadama ay jiraan digniino soo baxaya.
Markii la tukaday saaka salaada ciida oo ay ka horeysay takbiirta laga qaadayey masaajida ayaa waxaa wadooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho isugu soo baxay boqolaal iyo kumanaan dadweyne ah
Leave a Reply