Muqdisho (Raxanreeb) –Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed Ururka 260aad Guutada 9aad Qaybta 60aad ayaa xalay sheegay iney soo rideen dayuurad Drone ah oo ay aaminsan yihiin iney adeegsanayeen Al Shabaab.
Dayuuradan oo ah mid aad u yar oo la moodo qalabka ay ku ciyaarto caruurto ayay ciidanku rasaas ku fureen xili dul mareysay xero milateri oo ku taalla duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool
Lama oga weli halka ay al shabaab ka keentay dayuuradan, inkastoo talaabadan ay ku soo aadeyso xili dhowaan la qabtay ganacsato Soomaaliyeed oo dekeda Muqdisho kala degtay Kontainaro ay ku jiraan qalab ciidan oo elektronic ah sida qalabka habeenkii wax lagu arko, dayuurado Drone ah oo basaasnimada loo adeegsado iyo waxyaabo kale oo la aaminsan yahay in loo waday Al shabaab.
Dowladda Soomaaliya ayaa dagaal kula jirta kooxda Al- Shabaab waxaan meelo badan oo dalka ka dhacay , weeraro ay fuliyeen ciidanka Dowladda Soomaaliya oo waxyeelo u gaystay kooxda Al- Shabaab.
Goor sii horeysay saraakiisha ciidanka Dowlada ayaa sheegay in ay laba jibaari doonaan howlgalada lagu jabinayo kooxda Al- Shabaab ee ka socda meelo badan oo dalka ah.
Leave a Reply