Caalimkii weynaa ee Sheekh Yuusuf Al-Qardaawi oo geeriyooday

Caalimkii weynaa ee Sheekh Yuusuf Al-Qardaawi oo geeriyooday

Doha (Raxanreeb ) Allah ha u naxariistee waxa goor dhoweyd geeriyooday Caalimkii weynaa ee Sheekh Yuusuf Al-Qardaawi, sida ay baahisay Warbaahinta Aljazeera.

Sheekh Yuusuf al-Qaradawi, oo u dhashay dalka Masar, islamarkaana ahaa hoggaamiyaha ruuxiga ah ee ururka Ikhwaanul Muslimiin ayaa sanadihii dambe waxa uu fadhiggiisu ahaa dalka Qatar.
Sheekha ayaa aad u dhaliili jiray madaxweynaha Masar Cabdifataax al-Sisi.

Al-Qaradawi ayaa dibad-joog ahaan ugu noolaa dalka Qatar wixii ka dambeeyey markii militariga Masar ee uu hoggaaminayey al-Sisi ay afgambiyeen dowladdii ay hoggaaminayeen Ikhwaanul Muslimiinka.
Sheekh ayaa geeriyooday maanta oo Isniina xilli da’diisu ahayd 96 sano.

Waxa uu barnaamij caan ah ka qaban jiray taleefishinka Al-Jazeera isaga oo ka hadli jiray arrimo siyaasadeed oo muran badan.

Dalalka Baxreyn, Masar, Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa Al-Qaradawi ku daray liiska ururada iyo shaqsiyaadka argagixisada ee 2017-kii.

Leave a Reply

Your email address will not be published.