Muqdisho (Raxanreeb ) Ra’iisul Wasaare K/Xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac ayaa shirka furay, waxaan ka qeybgalaya Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan iyo dhammaan dalalka deeq-bixiyaasha.
Xog ku saabsan xaaladda abaareed ee dalka iyo tallaabooyinka gurmad ay qaaday Dowladda Federaalka ayuu Ra’iisul Wasaare K/Xigeenka ka jeediyay shirka oo ay ku sugnayeen xubno ka socda Beesha Caalamka.
Ra’iisul Wasaare K/Xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac ayaa beesha Caalamka ka codsaday in si dhab ah loo garab istaago dowladda si hoos loogu dhigo xaaladda daran ee abaaraha inta aysan macluul isku badalin.
Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Amb, James Swan ayaa dhankiisa sheegay in Saadaasha hadda ay muujineyso abaarta ay sii socon doonto bilooyinka soo aadan , loona baahan yahay kaalmo dheeraad ah.
Shirkan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dalka meelo badan oo kamid ah ay ka jirto abaar daran, sidoo kalena ay ka socdaan dagaalo ka dhan ah ururka Al-Shabaab.
Leave a Reply