Qarax ka dhacay waddada KM4 ee Muqdisho & cida lala eegtay

Qarax ka dhacay waddada KM4 ee Muqdisho & cida lala eegtay

Muqdisho ( Raxanreeb ) Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax ka dhacay wadada mashquulka badan ee KM4 ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ilaa iyo hadda aan la soo calamadeyn waxyeelo uu gaystay oo xaga rayidka ah ayaa lala eegtay ciidamo ka tirsan ATMIS.

Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa gaaray ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya kuwaas oo wadada xiray

Dhaqdhaqaaqa wadada oo hakad galay ayaa markii dambe dib loo furay oo xaaladda ayaa ku soo noqotay si caadi ah oo gadiidka ayaa shaqaynaya.

Saraakiisha Dowladda Federaalka wali kama hadlin waxaana jira howlgal goobta uu ka bilowday.

Leave a Reply

Your email address will not be published.