Cabdiraxmaan Cabdishakuur ” Xasan Sheekh wuu ku deg degay Safarka Itoobiya sax ma ahayn “.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ” Xasan Sheekh wuu ku deg degay Safarka Itoobiya sax ma ahayn “.

Muqdisho(Raxanreeb ) Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya ayaa shaaciyay inuu safar ku tagi doona magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya si uu ugu qayb galo shirar ka dhacaya magaaladaas.

Hase ahaatee waxaa soo baxaya dhaliil loo jeedinayo Madaxwaynaha talaabada uu u qaaday dhanka Adis Ababa oo aad u xun xiriirka kala dhaxeeya Muqdisho.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in Xasan Sheekh Maxamuud uu ku deg degay inuu qaado go’ aanka ah inuu tago Adis Ababa taas bedelkeeda ay ahayd inuu hoos u dhigo xiriirka Adis Ababa.

“Addis Ababa heshiis naga dhaxeeya maan ogayn. Waxaan ogayn inay ku soo xad gudbeen midnimada iyo madax bannaanida dalka. Waa inaan weydiin karnaa madaxweynaha, maxay tahay sababta kugu riixaysa in aad Addis Ababa shir uga qeyb gasho,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Intaas waxa uu warkiisa ku daray Cabdiraxmaan Cabdishakuur Waraame inay ahayd in dowladdu hoos u dhigto xiriirka diblumaasiyadeed ee kala dhaxeeya Itoobiya, haddii ay ka maarmi weydana hoos loo dhigo meeqaamka wafdiga loo dirayo shirka madaxda midowga Afrika .

Waxaa uu carabka ku adkeeyay  ineysan jirin sabab uu Madaxweynaha u booqdo Itoobiya iyadoo aan ka laaaban heshiiskii xad gudubka ku ahaa Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.