Muqdisho (Raxanreeb ) Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maalmo ka hor waxa uu soo saaray amar ku saabsan in hub ciidanka aysan la raaci karin noocyada mootooyinka .
Go’aanka maamulka gobolka Banadir ayaa lagu sheegay in arrintan loogu gol leeyahay sidii wax loogu qaban lahaa falalka amni darro ee ka dhacaya caasimadda oo joogto noqday.
Tan iyo markii uu soo baxay go’aankan waxaa muuqanaysa in aan wali dhaqan galin amarka soo baxay maamulka gobolka Banaadir intiisa badan.
Sida aan aragnay ciidan ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa wali la raaca hubkooda noocyada mootada sida Bajaajta iyo VIKON , taas oo muujinaysa sida aan go’aanka u dhaqan galin.
Marka aad dhax marto waddooyinka magaalada Muqdisho waxaad si fudud ugu arki kartaa askar hubkooda la saraan mooto Bajaajta.
Dhawaan maamulka gobolka Banaadir ayaa mamnuucay in hubka lala raaco mootooyinka sidoo kale aan la xiran karin karin af xirka iyo koofiyadaha.
Leave a Reply