Cabdullaahi Maxamed Nuur oo dagaalamayay xilligii doorashada oo la taliye loo magacaabay.

Cabdullaahi Maxamed Nuur oo dagaalamayay xilligii doorashada oo la taliye loo magacaabay.

Muqdisho (Raxanreeb )  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur in uu noqdo La-Taliyaha Sare ee Madaxweynaha ee ka Hortagga iyo La dagaalanka Fikradaha Xagjirka ah ee Rabshadaha Wata.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey La-Taliyaha Sare ee ka Hortagga iyo La dagaalanka Fikradaha Xagjirka Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u igmaday.

Masuulkan la magacaabay ayaa ka mid ahaa siyaasiin – dagaal la galay Madaxwaynaha hadda dalka jooga xiligii uu ku jiray Ololihiisa doorashada.

Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa soo noqday Wasiirkii amniga ee Xukuumaddii Xilgaarsiinta ee Ra’iisal Wasaare  Maxamed Xuseen Rooble.

Leave a Reply

Your email address will not be published.