Muqdisho (Raxanreeb ) Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiyo Yasiin Samatar oo uu wehliyo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Cali Shacbaan Ibraahim ayaa ka qayb galay doorashada Guddiga dib u eegista la socodka iyo hirgelinta Dastuurka BFS.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiyo Yasiin Samatar oo uu wehliyo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Cali Shacbaan Ibraahim ayaa ka qayb galay doorashada Guddiga dib u eegista la socodka iyo hirgelinta Dastuurka BFS.
Doorashada Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo loo tartamay ilaa saddex boos oo kala ah Guddoomiye, ku xigeen iyo xoghaye ayaa loogu kala guulaystay sidan.
Xilka Guddoomiyaha waxaa ku guulaystay Xildhibaan Xuseen Iidow oo aysan jirin cid la tartantay halka guddoomiye ku xigeenka guddigana uu ku guulaystay Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo helay 5 Cod halka Senator Xasan Xuseen Xaaji oo la tartamay uu helay 4 cod, xoghaya guddigana ayaa waxaa ku soo baxay Senator Saciid Cabdi Xuseen oo aysan jirin cid la tartantay.
Leave a Reply