CADALE :  DFS oo kaabiga ku haysa degaan muhiim ah u ah Al- Shabaab .

Garowe (Jowhar ) Wararka RBC uu ka helayo  deegaano ka mid ah shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in ciidanka  Dowladda iyo kooxaha kacdoonka  kaabiga ayk hayaan degaano ay ku sugan yihiin kooxda Al- Shabaab.

Ciidankankan ayaa  goor sii horeysay oo shalay ah waxa ay  gaareen  deegaanka Geel-gub oo kaabiga ku haya Masjidka Cali Gaduud ee gobolka Shabeellada dhexe.

Saraakiil ka tirsan Dowladda ee hoggaaminaya dagaalkaka dhanka ah Al- Shabaab ayaa warbaahinta Dowladda u sheegay in saacadaha soo aadan gudaha ay u gali doonaan deegaankaas oo ay ku xoogan yihiin Al- Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dhaqdhaaq  ciidan ay kala kala jiraan degaanada ay ku kala sugan yhihiin  ciidanka Dowladda iyo kooxda Al- Shabaab .

Waxaa  ku wehliya  ciidanka howlgalkooda xildhibaanno ka tirsan  Golaha shacabka Barlamaanka Federaalka Soomaaliya kuwaas oo sheegay in aysan dib u soo laaban doonin ilaa ay jabiyaan kooxda Al- Shabaab.

Saraakiisha milatariga Soomaaliya oo ka hadlay abaabulka ka socdo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in howlgalkooda uu ku wajahan yahay deegaanka Masaajidka Cali Gaduud.

Goballada Hiiraan, Galgaduud iyo Baay ayaa waxaa ka bilowday dagaalka ay ku dhawaaqeyn Madaxda ugu sarreysa Dalka, xilli degaanno ka tirsan Goballadaas laga qabsaday Al-shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.