R/W Xamse oo ka hadlay Dab khasaare geystay oo ka kacay suuqa Kismaayo.

Muqdisho (Raxanreeb ) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa hadlay dabkaas khasaaraha geystay ee ka kacay suuqa Kismaayo.

“Waxaan murugada iyo xanuunka la qeybsanayaa dadka shacabka ah ee hantidooda ku wayay musiibada caawa ka dhacday suuqa ugu weyn ee Magaalada Kismaayo, Waxaana Alle uga baryayaa inuu badal khayr qaba ka siiyo hantida ay ku wayeen dabkaas.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Ra’iisulwasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in muhiim ay tahay in lo gurmado dadka hantidooda ku  khasaaray dabka ka kacay magaalada kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

“Waxaa Alle mahadii ah in lagu guuleystay daminta dabka iyada oo aaney jirin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay dabka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Maamulka Jubbaland ayaa la filayaa in guddi u saaraan baarista iyo qiimeynta khasaaraha ka dhashay dabka xooggan ee xalay ka kacay qeybo kamid ah suuqa Kismaayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.