Muqdisho (Raxanreeb) — Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa sheegay in Al-Shabaab laga xureeyay deegaanka cali gaduud ay dhibaato badan ay ku hayeen bulshada ku dhaqan degmadaan isagoo xusay in dadkaan ay ka qaadan jireen xoolo baad ah.
Madaxweynaha ayaan tilmaamay in Al-Shabaab ay cadow ku yihiin nolosha umaddw Soomaaliyeed, dhowaana laga ciribtiri doono deegaanada Hirshabeelle.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabkii ka barakacay Masaajid Cali Gaduud ina ay dib ugu soo laabtaan Magaalada, howlgaladuna la sii wadayo inta Al-Shabaab laga ciribtirayo.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Shabaab Masaajid ku yaalla degaanka ay dhigeen dukaamo lagu ganacsado, sidoo kale dadka shacabka ay ka qaadi jireen xoolo fara badan.
Waxaa uu sheegay Madaxweynaha Hirshabeelle in ciidanka Ammaanka aysan joojin doonin howlgallada ka dhanka Shabaab.
Leave a Reply