Somaliland oo beenisay inay taageerto Ururka Al-Shabaab

Hargeysa (Raxanreeb) — Taliyaha guud ee Ciidamada Somaliland Jen. Nuux Ismaaciil Taani ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in Somaliland magan-geliso kooxaha Argagixisada ah.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Hargeysa ayuu kaga jawaabay hadalkii Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland uu ku sheegay in Soomaliland gacan-siiso Argagixisada.

Taliyaha Ciidamada Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in liiskii u danbeeyay ee shakhsiyaadkii Maraykanku ku tilmaamay Argagixisada ay dhammaantood ka soo jeedaan Puntland.

Puntland ayaa marar kala duwan Somaliland ku eedaysay in ay xiriir iyo wada-shaqayn la leeyihiin kooxaha Argagixisada balse Somaliland mar kasta waa beenisaa arrintaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published.