Dhuusmareeb ( Raxanreeb ) Wararka RBC uu ka helayo deegaano ka mid ah gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaas ay ku dhinteen xubno ka mid ah kooxda Al Shabaab.
Arintan ayaa ka dabeysay ka dib markii xubno ka mid ah Al Shabaab ay ku qaraxday miimo ay farsamaynayeen kuwaas oo ku sugnaa deegaanka Qeycad Ee gobolka Mudug .
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay saldhig lagu diyaarinayey gaadiid qaraxyo ismiidaamin ah la rabay in ay fuliyaan.
Sida wararka ay sheegayaan in qaraxyadan waxaa ku geeriyooday saraakiil Al- Shabaab ah , mana jirto wax war ah oo dhanka Al- Shabaab ka soo baxay oo la xiriira qaraxyadan.
Dhawr jeer ayay sidan oo kale ay ku waxyeeloobeen qaraxyo ay diyaarinayeen kooxda Al – Shabaab.
Kooxda Al- Shabaab ayaa dalka meelo ka mid ah waxaa kaga furan dagaal looga awood roonaday gobolada qaar ee dalka.
Leave a Reply