Beledwayne (Raxanreeb ) Madaxwaynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qorshaynaya inuu booqasho ku tago degmada Maxaas .
Waxa la sheegay in ujeedka ugu wayn ay tahay sidii uu garab uga heli lahaa Guddoomiyihii hore ee Hiiraan Cali Jayte oo laf dhabar u ahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab.
Inkastoo la leeyahay wada hadal ayaa dhaxmaray isaga [Cali Jayte ] iyo Xasan Sheekh Maxamuud hadana ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Cali Jayte oo ku aadan howlgalada ka dhanka ah Al- Shabaab.
Cali Jayte ayaa ka aamusan gabi ahaanba howlgalada ka dhanka ah Al- Shabaab ee ka socda Hiiraan iyo Galgaduud ka dib khilaaf soo kala dhaxgalay isaga iyo maamulka Hiiraan gaar ahaan Cali Guudlaawe.
Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya oo aad xooga u saaraya howlgalada ayaa hadda doonaya inuu raadiyo shaqsiyaad ka duwan kuwa hadda hoggaaninaya howlagalada ka dhanka ah Al- Shabaab,
Guddoomiyihii hore dhankiisa wax faahfaahin ah ma uusan ka bixin in Xasan Sheekh uu kala shaqayn doono howgalada maadama wax badan uu kala socdo farsamada dagaal ka dhanka ah Al- Shabaab.
Si aysan u fashilmin howlgalada ayaa Madaxwaynaha waxa uu doonayaa inuu qaado talaabooyin uu ku bedelayo sida hadda ay wax u socdaan maadama lagu fashilmay meelaha qaar
Leave a Reply