XOG : Ciidamo ka soo baxay aaga dagaalada oo ku sugan Sh. Dhexe oo wali xal laga gaarin

XOG : Ciidamo ka soo baxay aaga dagaalada oo ku sugan Sh. Dhexe oo wali xal laga gaarin

Aadanyabaal (Raxanreeb ) Ciidamo aad u fara badan oo ka soo tagay aaga dagaalada ay ka socdaan oo gadood ah ayaa ku sugan deegaanka Aadan Yabaal ee Shabeellaha Dhexe.

Ciidankan ayaa sababaha ugu wayn ay uga soo tageen goobaha dagaalada lagu sheegay in ay doodan yihiin mushaaraad ka maqan iyo iyaga sheegaya in ay arkaan saraakiil aan dhab ka ahayn dagaalada.

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Bare oo u tagay ciidan ayaa wali waxaa la sheegay inuu ku guuldaraystay in ay dib ugu laabtaan deegaanadii ay ka yimaadeen.

Ciidankan ayaa iyaga iyo hubkooda waxa ay ku sugan yihiin Shabeellaha Dhexe kuwaas oo wali qaba dood la xiriirta mushaaraadkooda iyo ay arkaan in hagar daamo ay ku jirto howlgalada sida ay u socdaan

Waxaa socda waan waan arintan la xiriirta waxaana la dhawrayaa sida loogu gun gaaro tabashada ay qabaan ciidankan hadda iyaga iyo hubkooda ku sugan Shabeellaha Dhexe.

Tan iyo iyo weerarkii Al- Shabaab ay ku qaadeen Cawswayne oo galgaduud ah waxaa jiray shaki badan oo ka dhashay sida loo dayacay ciidanka howgalada ka fulinayay gobolka Galgaduud.

Leave a Reply

Your email address will not be published.