Beledwayne (Raxanreeb ) Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte oo maanta oo Jimcaha saxaafadda kula hadlay magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan ayaa si kulul uga hadlay war ka soo yeeray xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jayte ayaa sheegay in warka ka soo yeeray Xildhibaan Cabdirisaaq xusul uu yahay mid lagu taageerayo sida uu yiri kooxda argagaxisada ah ee Al – Shabaab.
Xildhibaanka ayaa sheegay inuu ka digayo nmustaqbalka dhibaatada ay la imaan kaeaan kooxaha macwiislayda ee dagaalka kula jira Al- Shabaab.
” Guddoonka Golaha shacabka ee Barlamaanka waa inu baaritaan ku sameeyaa Xildhibaan Cabdirisaaq xusul inuu ka mid yahay Al- Shabaab iyo in kale ” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jayte.
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan ayaa Carabka ku adkeeyey in Cid walbo oo ka hor timaado kacdoonka lagula dagaalamayo Al-shabaab ay u aqoonsan doonaan iney ka tirsan tahay Al- Shabaab.
Kooxda macwiislay ayaa ka mid ah kooxaha ka jira gobolka Hiiraan , kuwaas oo u abaabulan qaab qabiil isla markaana diidan dhibaatada Al- Shabaab ay ku hayaan dadka shacabka ah.
Leave a Reply