Caqabadaha, fursadaha iyo casharadii laga baraty Dagaalka socda.

Muqdisho ( Raxanreeb ) Marka uu Duuliyahu diyaaradda uu dhabaha (runway-ga) soo dhigo si ay uduusho, kadibna uu taabto dhammaan amarada (commands) loo baahanyahay si ay u sara kacdo; Xal kale uma furna duuliyaha aan ka ahayn in diyaaraddaas ay kacdo, hadii kale qasaaro nafeed iyo mid dhaqaale ayaa halkaas ka dhici doona.

Sida aan ka fileynay Madaxweynaheena waxuu na saaray diyaarad la magac baxday Xorreynta Dalka, waxayna ku ordeysaa runway-ga, xal in ay kacdo aan ahayn uma furna, hadii kale Dalkaan masiibo aan horay loo arag ayaa ka dhici doonta. Ujeedku waa meel laga laabto lama joogo.

Fursadaha

  1. Maalmo kooban kadib markii uu Md. HSM talada la wareegay waxuu soo bandhigay qorshe cad oo lagula dagaalayo kooxda AS oo ka koobnaa saddex shey oo kala ah; Fikir, Military iyo dhimmida dhaqaalaha kudhaca qadnadda AS.
    Inkastoo ay wali wax badan u harsanyihiin hadana Md.HSM waxuu si hagar la’aan ah uga shaqeeyay fulinta labada qodob ee hore(Fikirka & Military), iskuna dayay in uu yareeyo dhaqaalaha kooxda usoo xarooda balse macluumaad huban lagma hayo sida ay arrintaas u dhabowday iyo waxa ka hirgalay.
  2. Wey adagtahay in laga guuleysto koox heysatay deegaan in ka badan 15 sano hadaan la helin taageerada qabiilada daga deegaanka oo dadka iyo dhulka kala garanaya, sidaas daraadeed ayaa loo abaabulay dadka deegaanka oo door weyn ka ciyaari doona Nabadda iyo in dhulkoodu uusan mar kale ku noqon gacma kale.
  3. Dowladdu waxay xaqiijisay guulo la taaban karo taasna waxay yididiilo gelisay Md. HSM iyo Dowladiisa.

Caqabadaha;

  1. Waxaa jira nidaamyado Dowladda ka caawain kara in ay dabagasho falalka gurracan ee dhaca balse aanan wali la hirgelin. Nidaamyada diiwaangelinta dadweynaha iyo sameynta ID-card sharci ah waxay uu suurtagelin lahaayeen Hay’adaha dowladda in ay ugu yaraan helaan xogo leh tixraac dhammeystiran. Halka camerooyin lagu xiro jidadka ay iyana dowladda ka kaalmeyn karaan in ay ogaato sida ay usoo gudbaan qaraxyada dhaca.
  2. Marka laga tago nidaamyada waxaa iyana jira caqabado kale sida oo ay ka mid yihiin;
  • Dhaqaalaha dalkeena oo liita.
  • Tababarada kala arragtida duwan ee la siiyay ciidankeenna waxay sahashay in kooxba ay wadan gooni ah ku xiraanto taas oo culeys xooggan ku ah Amniga Qaranka hada & mustaqbalka dhaw.
  • Isbadalada hoggaanka dalkeenna iyo taliyayaasha CXDS intooda wanaagsan.
  • Lunsashada dhaqaalaha loo qoondeeyay howlgalada.
  • Qalabka ay adeegsadaan CXDS ma ahan mid horumarsan.
  • Taageerada Amisom oo meesha ka maqan.

Casharadii laga baraty;

  1. Baaritaannada iyo howlgalada joogtada ee ayaan dhexe ay dowladdu qeybo ka mid ah Mogadishu ka sameysay waxay yareeyeen dhaca.
  2. Iskaashiga CXDS iyo dadka deegaanka waxay keeneen guulo la taaban karo.
  3. Tageerada shacabka ay dowladda u muujiyeen waxay sare uqaaday niyada CXDS.
  4. Goobahii la isku farasaaray casharo badan ayaa laga bartay. Qaladaadkii dhacay waa in aysan soo noqon.

Leave a Reply

Your email address will not be published.