Soomaaliya & Ethiopia oo ka wada- hadlay amniga xuduudaha iyo dagaalka Al- Shabaab.

Adis Ababa ( Raxanreeb ) Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Wafdigiisa Addis Ababa ku sugan ayaa maanta kulan la qaatay Taliyaha ciidanka milatariga dalka Ethiopia, waxayna ka wada hadleen arrimaha la dagaalanka As iyo sida labada dal ay isaga kaasha karaan dagaalka argagixisada.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay sidii guud ahaan dalka looga ciribtiri lahaa As isagoo xusay in guulo waa weyn laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Taliyaha milatariga dalka Ethiopia. Marshal Birhanu ayaa ku Amaanay madaxda wasaaradda difaaca qaranka Soomaaliya, sida ay uga go’antahay kadhanka ah ee Alshabab

Leave a Reply

Your email address will not be published.