Caro ka dhalatay dil Muqdisho loogu gaystay wiil Bajaajla ahaa.

Caro ka dhalatay dil Muqdisho loogu gaystay wiil Bajaajla ahaa.

Muqdisho ( Raxanreeb ) Askari Ka tirsan Ciidanka Dowlada  Federaalka ayaa Darawal Bajaajle ah Ku dilay Muqdisho   gaar agaan degmada Howlwadaag.

Ilaa iyo hadda lama oga sababaha soo daadejiyay dilka moota Bajaajlaha , waxaana jira caro xooggan oo arrintan ka dhalatay.

Meydka wiilka lagu dilay isgooska Howlwadaag ayaa halkaasi yaallay daqiiqado badan, waxa ayna diideen dhallinyaro u badnaa kuwa wada mooto bajaajta diideen in meydka halkaasi laga qaado.

Wadayaasha xirtay wadadda ayaa dalbanaya in  lasoo qabto askarigii dilka geestay isla markaana cadaalada la marsiiyo.

Ciidamada dowladda ee dilalka u geesanaya dadka shacabka ayaa sii kordhaya, waxaana maalmo kahor askar katirsan ciidanka dowladda dilal ugu geesteen degmooyinka Balcad iyo Xamar Weyne dad shacab ah, askartii dilalkaasi geesatay ayaana la dhigay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.