Category: Warar

Home » Warar » Page 487
Xasan Sheekh oo markii ugu horreysay faahfaahiyay sababta uu Muqtaar Rooboow ugu soo daray dowladdiisa.
Post

Xasan Sheekh oo markii ugu horreysay faahfaahiyay sababta uu Muqtaar Rooboow ugu soo daray dowladdiisa.

Muqdisho ( Raxanreeb ) Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa markii ugu horreysay faah faahiyay sababta uu Wasiir Muqtaar Roobow ugu soo daray dowladdiisa. Madaxwaynaha ayaa sheegay inuu ugu gol- leeyahay magacaabista Wasiir Mukhtaar sidii xubno kale ay ugu soo biiri lahaayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya. “Waxaan rabnaa inaan tusno hoggaanka al-Shabaab in haddii ay isa soo dhiibaan...

Post

Ganacsade Ceelasha – Biyaha  loogu dilay in laga qaato  Telefoon

Muqdisho (Raxanreeb )  Wararka RBC uu ka helayo deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa sheegaya in halkaas saaka lagu dilay mid ka mid ah ganacsatada deegaankaas. Sida lagu soo waramaya  nin lagu magacaabi jiray  Cabdiraxmaan Sheekeeye ayaa kooxda dilka u gaystay iyaga ka doonayay in ay ka qaataan  telefoon uu  gacanta ku sitay. Kooxda dilka – gaystay...

Post

Shil sababay khasaare hantiyeed oo ka dhacay magaalada Boosaaso

Boosaaso (Raxanreeb ) Shil gaari oo sababay khasaare kala duwan ayaa aroornimadii hore ee saaka ka dhacay magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari. Shilka oo dhacay Agagarka cisbitaalka weyn ee magaalada ayaa ka dhashay laba gaari oo isku dhacay. Labada gaari oo kala ahaa nooca loo yaqaan Noha iyo gaari Bas ah oo siday arday...

Post

Dagaal ay ka qayb galeen diyaarado dagaal oo ka dhacay deegaan hoos yimaad Aadan yabaal.

Jowhar (Raxanreeb ) Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ayaa lagu soo waramayaa in iska hor imaad ku dhaxmaray  degaanka Guulane ee degmada Aadan yabaal Gobolka Shabeellaha Dhexe Dagaalkan ayaa ka danbeeyay ka dib markii ciidanka Dowladda iyo kuwa deeganka weerar ay ku qaadeen degaanka Guulane oo ay ku sugnayeen kooxda Al- Shabaab. Waxaa...

Post

Guddoomiye Aadan Madoobe ‘’Amniga caasimadda jawaab waa in laga bixiyaa‘’

Muqdisho (Raxanreeb ) Gudoomiyaha golaha shacabka ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahan yahay in jawaab deg deg ah laga bixiyo xaaladda amni ee ka sii daraysa ee magaalada Muqdisho. Gudoomiye Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa sheegay in ay jirto cabasho dadka magaalada Muqdisho ay ka qabaan ammaanka ka dib dilal qorshaysan iyo...

Post

Safarka Deni ee Muqdisho & Khilaafka jira ee DFS & Puntland.

Muqdisho (Raxanreeb )  Maanta oo Axad ah waxaa  lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu soo – gaaro  Madaxwaynaha  maamulka Puntland Saciid  Cabdullaahi Deni. Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  la sheegay in Saciid  Deni uu ku casuumay magaalada Muqdisho . Sida qorshaha uu ahaa Madaxwaynaha Puntland ayaa lagu waday inuu soo gaaro magaalada...

Post

Ciidamo ku wajahan magaalooyinka Xarardheere iyo Jawle oo gaaray Galmudug.

Dhuusmareeb ( Raxanreeb ) Dowladdda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo sabti ah ciidamo aad u fara badan u daabashay deegaano ka mid ah Galmudug. Ciidanka ayaa ujeedkooda lagu sheegay in ay tahay in gacan ay ka gaystaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab ee ka socda deegaano ka tirsan gobolada galgaduud iyo Mudug. Saraakiil...

Post

Dowladda Federaalka  oo shaacisay degaano cusub oo lagala wareegay -kooxda Al-Shabaab.

Jowhar ( Raxanreeb ) Ciidamada xoogga dalka iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ayaa maanta kooxda Al- Shabaab kala wareegay deegaanada  Guulane, Xarka dheere iyo Daaru salaam oo dhammaan ka tirsan Gobolka Shabeellada dhexe Afhayeenka wasaaradda Gaashaandhigga General Cabdullaahi Cali Caanood oo goordhow La hadlay Warbaahinta  ayaa sheegay in hadda ciidanku ku sii siqayo degmadii ugu...

Post

Galmudug ” Waa ficil guracan afduubka lagula kacay xubno ka tirsan Wasaaradda arrimaha gudaha “

Dhuusmareeb ( Raxanreeb ) Dowlada Galmudug waxay cambaaraynaysaa dhacdadii Af-duubka ahayd ee aaga Degmada Caabud Waaq loogu gaystay shaqaale ka tirsan wasaarada arrimaha Gudaha Galmudug Dec. 2, 2022. Falalka af-duubku waa fal dambiyeed kasoo horjeeda dhamaan sharciga iyo nidaamka. Dowlada Waxay u mahadcelinaysaa Suldan Ahmed Garbacune iyo Odayashii uu hogaaminayay iyo masuliyiintii ku weheliysay dadaalka...