Dowladda Federaalka  oo shaacisay degaano cusub oo lagala wareegay -kooxda Al-Shabaab.

Jowhar ( Raxanreeb ) Ciidamada xoogga dalka iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ayaa maanta kooxda Al- Shabaab kala wareegay deegaanada  Guulane, Xarka dheere iyo Daaru salaam oo dhammaan ka tirsan Gobolka Shabeellada dhexe

Afhayeenka wasaaradda Gaashaandhigga General Cabdullaahi Cali Caanood oo goordhow La hadlay Warbaahinta  ayaa sheegay in hadda ciidanku ku sii siqayo degmadii ugu dambeysa Shabeellaha dhexe oo gacanta  Al- Shabaab  ku jira.

Waxaa uu sheegay in ciidamada DF iyo kuwa degaanka ay haatan qarka u saaran yihiin iney la wareegaan degmada Aadan Yabaal, ayna saacadaha soo socda halkaas si buuxda ula wareegi doonaan.

Afhayeenka ayaa sheegay in howlgallada uu sii socon doono maalmaha soo socda ilaa inta Shabaab laga saaraayo guud ahaan degaanada Hirshabeelle.

Aadan Yabaal ayaa ka mid aheyd meelaha ay ku xooganaayeen Kooxda AL Shabaab waxaana hadii laga qabsado oo ciidanka huwanta la wareegaan ay ka dhigan tahay in Hiiraan & SH.dhexe isku furmi doonto oo safar dhulka ah dadka ku tegi doonaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.