Jowhar (Raxanreeb ) Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ayaa lagu soo waramayaa in iska hor imaad ku dhaxmaray degaanka Guulane ee degmada Aadan yabaal Gobolka Shabeellaha Dhexe
Dagaalkan ayaa ka danbeeyay ka dib markii ciidanka Dowladda iyo kuwa deeganka weerar ay ku qaadeen degaanka Guulane oo ay ku sugnayeen kooxda Al- Shabaab.
Waxaa ka qayb qaadanaya dagaalka sida wararka la helayo ay sheegayaan diyaarado dagaal kuwaas oo goor sii horeysay oo shalay ah ka degay degaanka Juxay oo in kabadan 20Km u jira degaanka Guulane oo hoostaga Degmada Aadan Yabaal.
Waxaa jira khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay dagaalka, waxaana saraakiil Ciidan ay sheegeen in ay xubno badan dagaalka uga dileen Al-Shabaab.
Kooxda Al- Shabaab ayaa baneeyay shalay degamada Aadan Yabaal oo in muddo ah ay ku sugnayeen ka dib markii kooxda ay dareentay culays kaga imaanayay ciidanka Dowladda iyo kooxaha kacdoonka.
Leave a Reply