Galmudug ” Waa ficil guracan afduubka lagula kacay xubno ka tirsan Wasaaradda arrimaha gudaha “

Dhuusmareeb ( Raxanreeb ) Dowlada Galmudug waxay cambaaraynaysaa dhacdadii Af-duubka ahayd ee aaga Degmada Caabud Waaq loogu gaystay shaqaale ka tirsan wasaarada arrimaha Gudaha Galmudug Dec. 2, 2022.

Falalka af-duubku waa fal dambiyeed kasoo horjeeda dhamaan sharciga iyo nidaamka.

Dowlada Waxay u mahadcelinaysaa Suldan Ahmed Garbacune iyo Odayashii uu hogaaminayay iyo masuliyiintii ku weheliysay dadaalka ee ku gulaystay in ay so dayaan Shaqalihii shalay la afduubay.

Dowlada Galmudug waxay muhiimada kowaad sinaysaa Dhismaha Dowladaha hoose ayado sanadkaan anu ku jirno ay dhismen ila iyo shan dagmo

Ugu danbeyn Dowlada Galmudug Waxaay faraysa hay’adaha Amniga in Amniga Dagmada caabudwaaq gacan buuxda lagu qabto.

  ……Dhamaad…..

Leave a Reply

Your email address will not be published.