Ganacsade Ceelasha – Biyaha  loogu dilay in laga qaato  Telefoon

Muqdisho (Raxanreeb )  Wararka RBC uu ka helayo deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa sheegaya in halkaas saaka lagu dilay mid ka mid ah ganacsatada deegaankaas.

Sida lagu soo waramaya  nin lagu magacaabi jiray  Cabdiraxmaan Sheekeeye ayaa kooxda dilka u gaystay iyaga ka doonayay in ay ka qaataan  telefoon uu  gacanta ku sitay.

Kooxda dilka – gaystay  iyo  ganacsadahan ayaa dhaxmaray muran  ka hor inta aysan xabadaha ku dhufan sida ay sheegeen dadka  ku sugan deegaanka Ceelasha Biyaha.

Maamulka deegaanka Ceelasha Biyaha wali wax war ah ma aysan ka soo saarin dilkan loogu gaystay deegaankaas  ganacasadahan.

Meydka Ninka Ganacsada ahaa ayaa waxaa la keenay Xarunta ay’adda dambi baarista ee CID-da waxaana ehelladiisa ay sheegeen in dowladda Soomaaliya ay ka dalbanayaan inay cadaalad u helaan dilkaas.

Deegaanka Ceelasha biyaha ayaa ka mid ah deegaanada ay ka dhacaan falalka amni daro kuwaas oo intooda badan ay gaystaan kooxaha dhaca gaysta ee xiran dharka ciidanka Dowadda

Leave a Reply

Your email address will not be published.