Maxkamadda ciidamada oo dil ku xukuntay nin isbaaro ku dilay darawal

Maxkamadda ciidamada oo dil ku xukuntay nin isbaaro ku dilay darawal

Muqdisho (Raxanreeb) — “Cabdiraxmaan Cadow Ciise Maxamed ayaa lagu xukumay xukun Dil ah oo ah Qisaasta Marxuum Saylax Cabdulle Axmed oo uu Dilay Shilimaad uusan Xaq ugu lahayn 29-kii November bishii tagtay” sida uu Warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsane Cabdiraxmaan waxa uu joogay Isbaaro tiillay Balcad meesha looga baxo.

Maragyadii saarnaa Gaariga shacabka ah waxa ay sheegeen in Xukunsanaha uu  si ku tala gal ah u dilay Marxuumka.

Marxuumka ayaa ahaa Darawal si wayn looga yaqaanay tuulooyinka iyo degmooyinka Shabeellaha Dhexe oo uu muddo ku safrayay.

Cabdiraxmaan Cadow Ciise Maxamed ayaa maalin ka hor ka soo Muuqday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Leave a Reply

Your email address will not be published.