Dadka rayidka ah ee ku dhintay dagaalka u dhexeeya ciidamada Birmadka Degdegga ah (RSF) iyo kuwa milatariga Suuudaan ayey midowga dhaqaatiirta suudaan ku sheegeen 822 qo halka dhawaca lagu qiyaasay 3,215 oo qof.
Waaran soo xiris ah oo loo jaray Xasan Shire Abgaal ,Khadar Faroole & xuno kale
Garoowe (Raxanreeb ) Xeer ilaalinta Puntland ayaa waaran soo xiris ah u jartay, Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal. Sidoo kale waxa ay xeer ilaalintu soo xiris u jartay, Ergeyga Madaxweynaha Soomaaliya, Khadar Faroole, Wasiir hore Maxamuud Shiddo iyo Maxamed Jaamac Faarax. Xubnahan ayaa lagu eedeyay ku lug lahaanshaha dagaal sababay dhimasho iyo...
Caruurta Koonfur Afrika oo wax akhrintu dhibto siddeed ka mid ah tobankiiba
Koofur Afrika ayaa halka ugu dambeysa ka gashay 57 dal oo laga sameeyay daraasadda caalamiga ah ee qiimeynta heerka wax akhrinta caruurta dalalka, taas oo tijaabisay carruur gaareysa 400,000 oo caalamka kasoo kala jeeda sannadkii 2021.
Dad ay ka mid yihiin saraakiil Maraykan ah oo lagu laayey dalka Nigeria
Booliska Nigeria ayaa sheegay in dabley hubaysan ay weerar kusoo qadeen kolonyo gaadiid ah oo Maraykanku leeyahay gudaha Nigeria, halkaas oo lagu dilay afar qof oo laba ka mid ah ay yihiin saraakiisha Maraykanka ee qunsuladdiisa Nigeria.
MD Xasan Sheekh lacagta uu u doontay Doha maka soo heli doonaa ?
Doha (Raxanreeb ) Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya ayaa ku sugan magaalada Doha ee dalka Qatar halkaas oo uu sii joogi doono labada maalin ee soo aadan. Sida aan ku baahinay xogaheenii hore Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa kala hadli doona madaxda dalkaas sidii uu ugu soo heli lahaa dhaqaale , maadama Dowladda Soomaaliya u baahan tahay daqli ay...
Ninkii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo loo magacaabay Nabad Sugidda KENYA
Nairobi (Raxanreeb ) Madaxweyne Kenaya William Ruto ayaa Noordin Haji oo Soomaali ah u magacaabay agaasimaha guud ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka , sida lagu sheegay war ka soo baxay madaxtooyada Kenya. Madaxwaynaha Kenya warka ka soo baxay ayaa lagu sheegay haddii Baarlamaanku uu meel mariyo magacaabistan Nooradin Haji uu bedelayo Philip Kameru oo lagu wado...
NISA , Boolis & milatiri oo lagu daadiyay xaafadaha Muqdisho + Sababta
Muqdisho (Raxanreeb ) Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgal balaaran ka sameeyay xaafado dhawr ah oo magaalada Muqdisho kuwaas oo la sheegay in amniga lagu sugayo. Ciidamada ayaa inta uu socdeen howlagallada guri guri ugu baarayayay xaafadaha qaar ee degmooyinkaaas, si u hubiyaan amniga xaafadaha Hodan iyo Howlwadaag. Howlgalkan oo ay si wadajir ah u...
Hooyo Soomaaliyeed oo 4 carruur oo mataano ah ah ku dhashay Isbitaalka Banaadir
Hooyo Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Farxiyo Xuseen Cali ayaa xalay 4 carruur ah oo mataano ah ku dhashay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliyada, iyada oo ku dhashay Isbitaalka Hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir.
Xeer ilaalinta oo war kasoo saaray haweenay ‘dil iyo dhaawac culus’ u geysatay carruur da’ yar
Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa shaaciyay inuu gacanta ku hayo baarista kiis xasaasi ah oo la xiriira haweenay dil, dhaawac culus iyo jirdil u geysatay laba carruur ah.
CIA-da oo baaq u dirtay shacabka Ruushka
Hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA ayaa xoojisay dadaalka ay dadka Ruushka uga dhaadhicineyso inay dusiyaan sirta dalkooda, ayada oo muuqaalo qiiro leh soo dhigtay Telegram, kuwaasi oo loogu talo-galay dadka ka niyad jabsan xaaladda xukunka madaxweyne Vladimir Putin.








