Taliska ciidanka xoogga dalka siduu uga hadlay ”fashilkii” Cawswayne

Taliska ciidanka xoogga dalka siduu uga hadlay ”fashilkii” Cawswayne

Muqdisho (Raxanreeb ) Ka dib markii uu soo baxay shakiga ku aadan in ciidanka lagu qayaanay weerarkii ka  dhacay, Cawswayne waxaa soo baxaya warar ku saabsan in uu jiri doono isla xisaabtan dhan ah

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ayaa waxa ay isaga soo baxeen deegaannadii iyo degmooyinkii ugu dambeeyay ee Al Shabaab ka saareen, waxa ayna ciidanka dib ugu soo laabteen goobihii ay markii hore ka duullaan tageen.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Ibraahin Sheekh Muxudiin ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sababaha keenay in ciidanka xoogga usoo banneeyaan deegaanno iyo degmooyin ay Al Shabaab kala wareegeen.

Waxa uu sheegay taliyaha in xeylad dagaal ciidamada uga soo baxeen deegaanno iyo degmooyin katirsan gobolka Galgaduud, waxa uuna ugu baaqay dadka degmada Aadan Yabaal iyo difaacyo ka qotaan duleedka degmada iskana difaacaan Al Shabaab.

Sidoo kale ‘ Jenaraal Ibraahin Sheekh Muxudiin oo sidoo kale sheegay inuu deegaan ahaan kasoo jeedo degmada Aadan yabaal ayaa sidoo kale khudbadiisa kaga dalbaday raysal wasaaraha Xamse Cabdi Barre in Xukuumaddiisa ay degmada Aadan Yabaal siiso mudnaan gaar ah oo lagu hormarinaayo.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee uu ku sheegay in ciidanka ay dib uga soo baxeen furimaha qaar farsamo ayaa dadka Soomaaliyeed ka dhex dhalisay hadal heyn badan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.