Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa shaaciyay in marnaba dhankooda laga sugeyn in ciidamadooda kala soo baxaan gobolka Sool, oo uu sheegay inay qeyb ka tahay Somaliland.
Waxyaabo qarxa oo laga helay dalka Uganda
Ciidamada amaanka Uganda ayaa sheegay in ay heleen walxaha qarxa oo la doonayay in loo adeegsado mudaaharaadyo ka dhan ah dowladda oo la qorsheeyay in ay ka dhacaan caasimadda Kampala.
NISA oo sheegtay inay fashilisay weerarro qorsheysan oo ay Al-shabaab ku qaadi lahaayeen Beerta Nabadda
Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda ee NISA ayaa sheegtay inay fashiliyeen weerarro qorsheysan oo Al-Shabaab ay ku qaadi lahaayeen Beerta Nabadda ee magaalada Muqdisho, isla markaana ay gacanta ku dhigtay jaakadaha qaraxyada iyo bajaaj lagu fulin lahaa weerarkaas.
Laftagareen oo iskugu yeeray dhammaan Hay’adaha Amniga
Madaxweynaha dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa shir guddoomiyay kulan ka dhacay Madaxtooyada maamulkaasi, kaasi oo ahaa shirka Golaha Amniga Koonfur Galbeed, ayna ka qeyb-galeen madaxda kala duwan ee hay’addaha amniga.
Laascaanood waxay khibraddeeda ku biirineysaa Borame
Raxanreeb (Raxanreeb ) Magaalada Boorame waxaa ka socda banaan baxyo rabshada wata oo ay dhigayaan qaar kamid ah dadka deegaanka, ciidamada ammaanka maamulka Somaliland ayaana rasaas u adeegsanaya joojinta banaan baxa. Dadka dhigaya banaan baxa ayaa ka careesan dil askari katirsanaa ciidanka Somaliland u geestay Arbacadii sargaal katirsanaa ciidanka maamulka Somaliland oo lagu magacaabayay Khadar...
‘’Dadka Okiyaal Madoow looma galin karo ‘’ Xasan Sheekh oo loo jawaabay
Garoowe (Raxanreeb ) Madaxwaynaha maamulka Puntland oo olole doorasho ka wada deegaano badan oo gobolka Nugaal ah ayaa sheegay in ay jiraan shaqsiyaad doonaya in ay caraqaladeeyaan doorashada deegaanada maamulkaas. Madaxwaynaha Puntland ayaa xusay in habka doorashooyinka qofka iyo codka ah ee Puntland ay noqoneyso xukuumaddii ugu horreysay ee billaawda, balse ay jiraan dad waxmagarato...
‘’Dhoolatus dhab u soo dhawayn ‘’ Jubbaland oo farta lagu fiiqayo
Kismaayo (Raxanreeb ) Maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa la sheegaa inuu wali uusan u dhaqaaqin howlgalada lagu doonayo in Al- Shabaab looga saaro deegaanada maamulkaas. Jubbaland waa halka ugu badan ee ay ku sugan yihiin xubnaha Al- Shabaab ee isaga cararay koonfurta Soomaaliya oo ay ka socdaan howlgalada lagu doonayo...
Dagaal ka dhacay laascanood , rejo badan oo aan laga qabin xabad joojin
Laascanood (Raxanreeb ) Dagaal u dhaxeeya ciidanka Somaliland iyo dadka deegaanka ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay duleedka magaalada Laascanood ee gobolka Sool. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa yimid, kadib markii ciidamada milatariga Somaliland ay weerar ku billowday madaafiic ku qaadeen goobo ay ku sugnaayeen ciidamada deegaanka. Dadka deegaanka ayaa sheegay inuu jiro...
HIIRAAN : Al-Shabaab oo laga go’doominayo in ay gaarto sahayda
Beledwayne (Raxanreeb ) Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa sheegay in talaabo laga qaadid – doono shaqsiyaad raashiinka u gudbinaya deegaanada Al- Shabaab ay kaga sugan yihiin gobolkaas. Guddoomiye Cali Jayte ayaa ku amray gaadiidleyda ka baxa Beledweyn iyo Buulo-burde in aysan aadi jarin dhanka deegaanadaas oo dhaca jiinka wabiga Shabelle. Waxa uu sheegay Guddoomiyaha in aan...
Askari ATMIS oo howlgal u joogay Soomaaliya oo dil ka gaystay Kampala
Kampala (Raxareeb ) Warbahinta dalka Uganda ayaa qortay in askarigii dhawaan , Wasiirka shaqada , Shaqaalaha & Warshadaha toogtay in muudo sanad ah ka howlgalayay Soomaaliya isagoo ka mid ahaa howlgalka AMISOM , ka hor inta aan ATMIS loo bedelin Toogashada Wasiirka ayaa Talaadii todobaadkii hore ka dhacday guriga wasiirka oo ku yaala deegaanka Kyanja...








