Cayaar weero & Dowladda ma wada- hadli karaan ?

Cayaar weero & Dowladda ma wada- hadli karaan ?

Muqdisho (Raxanreeb ) Dad badan oo caasimada ku nool waxaa la – yaab ku noqotay   in wada – hadal lala galayo kooxaha cayaal- weerarada oo dhibaato ba’an ku haya dadka  Muqdisho.

Degmada Kaaraan oo ah degmada ugu badan ee ay ka taagan tahay dhibaatada cayaal- weerada ah ayaa maamulka degmadaas waxa uu sheegay in wada- hadal ay la furayaan kooxahaas gaagiska ah.

Guddoomiyaha degmada Kaaraan Abshir Kaaraan oo xalay la hadlay mid kamid ah telefishinada ka howgla Muqdisho ayaa sheegay in kulan la qaateen qaar kamid ah hoggaamiyaasha ciyaal weerada Kaaraan dhibaatada ka waday.

Abshir Kaaraan ayaa sheegay in ciyaal weerada kala hadleen sidii ay u joojin lahaayeen amni darada iyo dhibaatada ay ka wadaan degmada , waxa uuna xusay in wadahadlkooda wax wanaagsan kasoo baxeyn.

Hadalka ka soo baxay maamulka degmada Kaaraan ayaa dad badan oo caasimada ku nool waxa ay u arkeen mid iftiiminaya fashilka maamulka degmada Karaan ee dhanka amniga ah .

Waxa ay qabaan dad badan in lala hadlo cayaal- weerada ay ka dhigan  tahay in  caasimaada loo abuurayo dhibaatooyin hore  oo aan la mahdin doonin sanadaha soo socda.

Maamulka degmada Kaaraan iyo ciidamada ammaanka ee ka howlgala degmadaasi ayaa ku guul dareestay wax ka qabashada falalka ammaan daro ee xaafado katirsan degmadaasi ka geestaan ciyaal weerada burcada isku bedelay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.