IS-ARAG : Goobta & Goorta ay dhacayaan wada- hadalada DFS & Somaliland

IS-ARAG : Goobta & Goorta ay dhacayaan wada- hadalada DFS & Somaliland

Jabuuti (Raxanreeb ) Madaxwaynaha  Jabuuti  Ismeal Omar Geelle iyo Ergayga Madaxwaynaha Soomaaliya u qaabilsan wada- hadalada Cabdiriim Guled ayaa ka wada- hadlay Geedi socodka wada- hadalada Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland.

Labada dhinac ayaa inta  uu  kulankooda socday diirada saaray , sii ambaqaadida wada- hadaladii socday si loo gaaro natiijo wax ku ool ah oo sababi kara isku soo dhawaanshaha Dowladda iyo Somaliland.

Ergeyga ayaa Madaxweynaha Jabuuti la wadaagay warbixin ku saabsan howsha culus ee hortaalla, wuxuuna madaxweyne Ismaaciil taageeray qorshaha ay dowladda Soomaaliya ku wajaheyso ka mira-dhalinta wadahadaladaas.

Madaxwaynaha Jabuuti Ismael Omar Geelle ayaa la wadaagay Ergayga sida Dowladda Jabuuti ay uga go’an tahay , nabadda iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Cabdikariin Xuseen Guled oo dhawaan   magacaabay Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa wada dadaalo uu ku doonayo sidii  ay u bilaaban lahayeen wada- hadaladii hakadka – galay ee Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland.

Wada- hadalada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa in muddo ah hakad , galay waxaana hadda muuqanaysa in ay socdaan qorshe Dowladda Soomaaliya ay ku doonayso sii socodshada Geediga wada- hadalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.